Boosaaso: Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo beeniyay in uu wakiilnimo siisay Ibraahim Ugaas Xasan
Ugaaska beesha Dishiishe Ugaas Xasan Xasan Ugaas Yaasiin ayaa beeniyay in uu wakaalad ama wakiilnimo siisay Ibraahim Ugaas Xasan. Ugaaska… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ugaaska beesha Dishiishe Ugaas Xasan Xasan Ugaas Yaasiin ayaa beeniyay in uu wakaalad ama wakiilnimo siisay Ibraahim Ugaas Xasan.
Ugaaska ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “anigoo ah Ugaas Xasan Xasan Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan, Ugaaska guud ee beelweynta Dishiishe – Axmed Harti waxaan caddeynayaa islamarkaana cambaaraynayaa sheegashada iyo been-abuurka ah in aan wakaalad ama wakiilnimo siisay Ibraahim Ugaas Xasan, kaas oo sheeganaya in uu yahay wakiil igu matala howlaha hoggaaminta dhaqanka ee beesha aan Ugaaska u ahay”.
Hadalka Ugaas ayaa yimid, xilli shalay beesha Dishiishe shaacisay in wakiilka Ugaaska ay u doorteen Ibraahim Ugaas Yaasiin, iyadoo kulankaasi ay ka soo qayb galeen xildhibaanno, wasiiro, nabaddoonno, haween iyo dhalinyaro.
Hore waxaa wakiilka Ugaaska Xasan u ahaa Cabdifitaax Ugaas Yaasiin oo dhawaan uu madaxwayne Deni ka dhigay wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan