Deni oo gaadiid ku wareejiyay gudoomiyayaasha gobolada Puntland
May 24(Jowhar) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda, ballaarinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta maamul-wana

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
May 24(Jowhar) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda, ballaarinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta maamul-wanaagga. Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhegaystay Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland, kuwaas oo ka xog-warramay xaaladda guud ee Gobollada gaar ahaan Amniga, Horumarka , shaqooyinka ka socda iyo kuwa qorsheysan iyo baahiyaha deegaanka iyo xaaladda Abaarta.
Ugu dambayn, Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa Guddoomiyeyaasha Gobollada ku wareejisay gaadiid cusub oo loogu talagalay horumarinta adeegyada bulshada iyo fududeynta shaqada maamulka gobollada. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan