DF Soomaaliya oo isbeddel ku sameysay taliska ciidanka xoogga ee Koonfur Galbeed
Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isbeddel ku sameysay hoggaanka Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ka howl-gala deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, xilli maamulka uu wajahayo xaalado amni oo cakiran. Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa xilka kula wareegay taliyaha cusub ee qeybta 60-aad, Korneel Isaaq Bardaale, kaas oo

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isbeddel ku sameysay hoggaanka Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ka howl-gala deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, xilli maamulka uu wajahayo xaalado amni oo cakiran.
Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa xilka kula wareegay taliyaha cusub ee qeybta 60-aad, Korneel Isaaq Bardaale, kaas oo beddelaya taliyihii hore ee qeybtaasi. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiin kale.
Taliye ku-xigeenka ciidanka dhulka ee xoogga dalka, Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro oo si rasmi ah u guddoomiyay munaasabadda ayaa faray taliyaha cusub inuu dardar-geliyo howl-gallada milatari ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.
Jeneraal Ciro ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in taliska cusub laga sugayo inuu sare u qaado wada-shaqeynta ciidamada iyo sugidda amniga guud ee gobolka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan