Dowladda Soomaaliya oo hakisay qaar kamid ah safarrada dalka Masar + Sababta
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan (OK-to-Board). War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa lagu sheegay in dowladda ay si dhow ula socotay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safrayay dalka Masar, kuwaas oo caqabado kala kulmay ka […] The p

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan (OK-to-Board).
War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa lagu sheegay in dowladda ay si dhow ula socotay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safrayay dalka Masar, kuwaas oo caqabado kala kulmay ka bixitaanka garoomada diyaaradaha, taas oo sababtay go’aankan cusub.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa shaacisay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka May 2026, si ku-meel-gaar ah loo joojiyay adeegsiga warqadda OK-to-Board ee hore loogu geli jiray safarrada dalka Masar.
Sidoo kale, hay’adda ayaa caddeysay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar hadda kadib looga baahan yahay dal-ku-gal rasmi ah oo ay bixiso qunsuliyadda Masar, iyadoo meesha laga saaray nidaamkii hore ee oggolaanshaha safarka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan