Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay gabagabada shirka caalamiga ahaa ee “Madrid Dialogue on Counterterrorism Cooperation in Africa” oo maalmahan ka socday magaalada Madrid ee dalka Spain. Intii uu shirku socday, Ergeyga ayaa kula
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay gabagabada shirka caalamiga ahaa ee “Madrid Dialogue on Counterterrorism Cooperation in Africa” oo maalmahan ka socday magaalada Madrid ee dalka Spain.
Intii uu shirku socday, Ergeyga ayaa kulamo miro dhal ah la yeeshay masuuliyiin iyo wakiillo ka socday dowlado iyo hay’ado caalami ah, isagoo la wadaagay khibradda Soomaaliya ee dhinaca la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wajahday ka hortagga fikiradaha xagjirka rabshadaha wata.
Sidoo kale, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Spain iyo qabanqaabiyeyaasha shirka dadaallada ay ku taageerayaan amniga, xasilloonida iyo iskaashiga caalamiga ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan