HALGANKA NOLOLEED EE XOOG-MAALATADA
Booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee ku yaalla degmada Xamarweyne, halkaas oo aan kula kulannay mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalin kasta u taagan raadinta nolol maalmeed sharaf leh. Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaallada wacyi galinta ah ee lagu muujinayo sheekooyinka dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka u […]
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee ku yaalla degmada Xamarweyne, halkaas oo aan kula kulannay mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalin kasta u taagan raadinta nolol maalmeed sharaf leh.
Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaallada wacyi galinta ah ee lagu muujinayo sheekooyinka dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka u taagan shaqooyinka adag ee laf dhabarta u ah nolosha bulshada iyo dhaqaalaha dalka.
Mudane Maxamed Shariif Shiikha waa kalluumaysato iyo xoogmaale muddo dheer kasoo shaqeynayay kawaanka malaayga. Maxamed wuxuu sheegay inuu ku biiray shaqadan xilli hore oo dhalinyaranimadiisa ah kadib markii uu dareemay masuuliyadda ka saaran taageeridda qoyskiisa iyo daboolidda baahiyaha nololeed ee qoyska.
Tan iyo waqtigaas, wuxuu si joogto ah uga shaqeynayay suuqa iyo kawaanka malaayga, isagoo maalin kasta waaberiga kasoo toosa si uu uga qeyb qaato dejinta, kala saarista iyo rarista malaayga laga keenay badda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan