Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Radio Dalsangeneral

Hay’ada SoDMA oo 2,000 qoys gargaar ku daahfuray Diinsoor – Shiinaha oo kaashaday

Jibriil oo gargaar 2,000 qoys ku daahfuray Diinsoor Diinsoor, Baay – 24 May 2026 – Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed, ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor, halkaas oo ay si [&#8230

SO
Hay’ada SoDMA oo 2,000 qoys gargaar ku daahfuray Diinsoor – Shiinaha oo kaashaday
Sawir / xog muuqaal ah · Radio Dalsan
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Radio Dalsan

Diinsoor, Baay – 24 May 2026 – Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed, ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor, halkaas oo ay si rasmi ah u daah-furayeen gargaar bini’aadannimo oo loogu talagalay 2,000 oo qoys oo danyar ah, kaas oo ay iska kaashadeen Hay’adda SoDMA iyo Dowladda Shiinaha.

Gargaarkani wuxuu yimid iyadoo deegaannada gobolka Baay ay wajahayaan abaalo, xaalado adag oo cunto-yari ah iyo duruufo nololeed oo ka dhalatay roobabkii da’ay ee keena fatahaado. Iskaashiga SoDMA iyo Shiinaha ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo deeqaha deg-degga ah si looga hortago gaajada loona badbaadiyo nolosha dadka ugu nugul.

“Maamulka Koonfur Galbeed wuxuu mudnaan gaar ah siinayaa caawinta shacabka tabaaleysan,” ayuu yiri Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji markii uu ka hadlayay munaasabadda daah-furka. “Waxaan uga mahadcelinayaa Hay’adda SoDMA iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay gurmadka la gaarsiiyay shacabka ku nool Degmada Diinsoor.”

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in gargaarkan loogu talagalay dadka ugu nugul bulshada, si loo badbaadiyo noloshooda loogana yareeyo duruufaha adag ee ay wajahayaan. Waxa uu intaas ku daray in ay qeyb ka tahay 2,000 oo qoys oo danyar ah, iyadoo qalabka gargaarku uu ka kooban yahay cunto, biyo nadiif ah, iyo agab caafimaad oo aasaasi ah.

Isha: Radio Dalsan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Radio Dalsan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldiinsoorsodma000
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.