Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo hakis ku meel gaar ah ku samaysay oggolaanshaha safarka Masar

Muqdisho – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay si dhow ula socotay caqabadihii ku yimid muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safrayay dalka Masar maalmihii lasoo dhaafay. Sidaas awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka May 2026, waxaa si ku meel gaar ah loo hakiyay isticmaalka oggolaanshaha safarka ee […]

SO
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo hakis ku meel gaar ah ku samaysay oggolaanshaha safarka Masar
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay si dhow ula socotay caqabadihii ku yimid muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safrayay dalka Masar maalmihii lasoo dhaafay.

Sidaas awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka May 2026, waxaa si ku meel gaar ah loo hakiyay isticmaalka oggolaanshaha safarka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku wajahnaa dalka Masar.

Hay’addu waxay sidoo kale ku wargelisay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Masar ku geli karaan oo kaliya dal-ku-galka rasmiga ah ee ay bixiso Qunsuliyadda Masar.

Ugu dambeyn, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xustay in ay sii xoojin doonto iskaashiga iyo xiriirka socdaal ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, si loo fududeeyo socodka muwaadiniinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralhayaddajinsiyadda
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.