Hogaamiye katirsan AS oo isku soo dhiibay dowlada
Mubaarak, Shabeellaha Hoose – 24 May 2026 – Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow, isagoo wata qori AK47 iyo booshkiisa, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib markii uu ka baxsaday howlgalladii ciidamadu ka wadeen tuulada Ugunji. Socodka xubnaha argagixisada ah […]
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Mubaarak, Shabeellaha Hoose – 24 May 2026 – Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow, isagoo wata qori AK47 iyo booshkiisa, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib markii uu ka baxsaday howlgalladii ciidamadu ka wadeen tuulada Ugunji.
Socodka xubnaha argagixisada ah ee isu dhiibaya ciidamada qaranku wuxuu muujinayaa sida ay u sareyso cadaadiska howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta. Horjoogahan ayaa sheegay in uu ka soo dagaalamay Gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ka hor inta aan loo keenin gurmad ahaan tuulada Ugunji.
“Noloshu way igu adkaatay, cabsi badan ayaan kala kulmay weerarrada lagu baacsanayo cadowga Khawaarijta ah,” ayuu yiri Cali Maxamed Coloow isagoo ciidamada hor yimid. “Ciidamada Qaranku waxay ku beegsanayaan goobaha aan ku dhuumaaleysanno, taas oo igu kaliftay in maanta isku soo dhiibo.”
Horjoogaha ayaa intaas ku daray in markii uu u adkeysan waayey howlgallada isdabajoogga ah ee ciidamadu ka wadaan deegaannada, uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo Geesiyaasha Xoogga Dalka. Waxa uu ku boorriyay dhallinyarada ku biirtay argagixisada in ay ka soo noqdaan, oo ay isu dhiibaan ciidamada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan