Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha. Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamed Cali Xagaa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Jeneraal Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud Maxamed H. Shire, iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaarad
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamed Cali Xagaa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Jeneraal Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud Maxamed H. Shire, iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Wasaaradda, xoojinta wada-shaqeynta hoggaanka, kor u qaadidda isla xisaabtanka, iyo dib-u-eegista waxqabadka bilihii u dambeeyay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo horumarka laga sameeyay hawlaha muhiimka ah tan iyo bishii Abriil, halka Agaasimeyaasha Waaxyuhuna ay gudbiyeen warbixino la xiriira maamulka iyo maaliyadda, qorsheynta, siyaasadda, shaqaalaha, iyo mudnaanta howlaha bilaha soo socda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay horumarinta nidaamyada maamulka iyo maaliyadda, xoojinta nidaamka shaqaalaha, iyo dardargelinta qorsheyaasha iyo istaraatiijiyadda Wasaaradda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan