Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Mas’uuliyiin uu horkacayo Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed oo Gargaar ka Daah-furay Diinsoor

Diinsoor – Wafdi uu hoggaaminayay Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehlinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Wasiirka Garg

SO
Mas’uuliyiin uu horkacayo Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed oo Gargaar ka Daah-furay Diinsoor
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Diinsoor – Wafdi uu hoggaaminayay Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehlinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed, ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Mas’uuliyiinta ayaa degmada ka daah-furay gargaar bini’aadannimo oo loogu talagalay 2,000 oo qoys oo danyar ah, kuwaasi oo ku nool degmada Diinsoor iyo deegaannada ku xeeran. Gargaarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Dowladda Shiinaha, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo shacabka ay saameeyeen xaaladaha nololeed ee adag.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in gargaarkan si gaar ah loogu beegay dadka ugu nugul bulshada, si loo badbaadiyo noloshooda loogana yareeyo duruufaha bani’aadannimo ee ay wajahayaan.

Dhankiisa, Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu mudnaan weyn siinayo taageeridda iyo garab istaagga shacabka tabaaleysan. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Hay’adda SoDMA, Dowladda Shiinaha iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay gurmadka la gaarsiiyay shacabka degmada Diinsoor.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralkoonfurgalbeeddiinsoor
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.