Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Wasiir Xasan Eelaay oo gaaray Qansaxdheere kana hadlay amniga Koonfur Galbeed

Bay – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, ayaa maanta gaaray degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Intii uu wafdigu joogay degmada, Wasiirka iyo xubnaha la socday waxay kulamo miro dhal ah la yeesheen maamulka degmada, […]

SO
Wasiir Xasan Eelaay oo gaaray Qansaxdheere kana hadlay amniga Koonfur Galbeed
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Bay – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, ayaa maanta gaaray degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Intii uu wafdigu joogay degmada, Wasiirka iyo xubnaha la socday waxay kulamo miro dhal ah la yeesheen maamulka degmada, saraakiisha ciidamada ammaanka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga, dib-u-dhiska dowladnimada iyo taageeridda dadaallada nabadeynta deegaanka.

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa kulan gaar ah la qaatay ciidamada ammaanka, isagoo ku bogaadiyay doorkooda ku aaddan sugidda amniga degmada iyo deegaannada ku dhow dhow. Wasiirku wuxuu ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan howlaha lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, si looga hortago falalka amni darrada ah ee ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa bulshada degmada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda iyo ciidamada ammaanka, si loo adkeeyo nabadda, horumarka iyo dowladnimada dalka.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralgaarayeelaayqansaxdheere
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.