Duqa Muqdisho oo gudaha u galay xerada TurkSom + Ujeedka
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xerada tababarka ciidamada ee TurkSom, halkaas oo lagu carbiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Muungaab ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta xerada, iyaga oo ka wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta dhina

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xerada tababarka ciidamada ee TurkSom, halkaas oo lagu carbiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Muungaab ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta xerada, iyaga oo ka wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga, sare-u-qaadidda xasilloonida Caasimadda Muqdisho iyo doorka TurkSom ee dadaallada lagu sugayo nabadgalyada Magaalada.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa saraakiisha xerada TurkSom ka dhagaystay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan hawlaha tababarrada ciidamada, dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu taageerayo xasilloonida Caasimadda Muqdisho.
Saraakiisha ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta kala dhexeysa Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo amni waara iyo adeegyo wax-ku-ool ah oo shacabka loo fidiyo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan