“Galmudug ma ahan Koonfur Galbeed oo kale, lamana xoogi karo,” sidaas waxaa yiri…
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyada oo xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay Galmudug, ayaa waxaa isa soo taraya digniinaha laga bixinayo in xaaladdu faraha ka baxdo, isla markaana isku beddesho gacan ka hadal. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, kana soo jeeda Galmudug, ayaa isaga oo ku sugan […] The post “Galmudug ma ahan Koonfur Galbeed

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyada oo xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay Galmudug, ayaa waxaa isa soo taraya digniinaha laga bixinayo in xaaladdu faraha ka baxdo, isla markaana isku beddesho gacan ka hadal.
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, kana soo jeeda Galmudug, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ka digay faragelin uu sheegay in dowladda federaalka ay ku hayso arrimaha doorashooyinka Galmudug, xilli lagu jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Qaybdiid, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in Galmudug aysan ahayn Koonfur Galbeed oo kale, isla markaana aan lagu muquunin karin xoog, sida uu hadalka u dhigay.
“Galmudug ma aha Koonfur Galbeed oo kale. Lama xoogi karo. Annagu wax aysan reer Galmudug doonayn naguma socon karaan,” ayuu yiri senatorku.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan