Madaxweyne Deni oo safar u baxay
Madaxweyne Siciid Cabullaahi Deni ayaa safar aan la shaacin ugu baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo saaxiib dhow la ah… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweyne Siciid Cabullaahi Deni ayaa safar aan la shaacin ugu baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo saaxiib dhow la ah Puntland.
Madaxweyne Deni oo galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe, ayaa sii maraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, isagoo halkaasi uga sii gudbaya waddanka Imaaraadka Carabta.
Dad lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in safarka Siciid Deni ku tegayo waddanka Imaaraadka Carabta uu la xiriiro arrimo siyaasadeed, wuxuuna ku soo aaday xilli ay Soomaaliya gashay waqti kala guur.
Madaxweyne Deni wuxuu marar badan safarro aan la faahfaahin oo muddo qaatay ku aaday dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan