Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Mucaaradka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho

Muqdisho – Mucaaradka ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag u dhaliilay siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya. Mucaaradku waxay markale ku celceliyeen in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uu dhamaaday muddo xileedkiisii, isla markaana uu si sharci darro ah ugu sii jiro xafiiska Villa Soomaaliya, oo ah [&#823

SO
Mucaaradka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Mucaaradka ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag u dhaliilay siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mucaaradku waxay markale ku celceliyeen in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uu dhamaaday muddo xileedkiisii, isla markaana uu si sharci darro ah ugu sii jiro xafiiska Villa Soomaaliya, oo ah xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Sidoo kale, mucaaradku waxay digniin culus ka soo saareen in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo adeegsado arrimaha siyaasadda iyo caburinta shacabka Soomaaliyeed ee aragti ahaan ka duwan dowladda Federaalka Soomaaliy.

Shirkan jaraa’id ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay dowladda qaadayay tallaabooyin la xiriira xakameynta bannaanbaxyada ka socda qaybo ka mid ah Muqdisho, kuwaas oo salka ku haya aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraljaraamuqdishogolaha
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.