Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal ciidan oo sameeyay…
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, kadib markii uu warbaahinta ka sheegay cabashooyin la xiriira mushaar la’aan iyo xaalado adag oo ay wajahayaan ciidamada ku sugan magaalada Garoowe. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Wayrax ayaa maalmo kahor si fagaare ah uga hadlay duruufaha nololeed

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, kadib markii uu warbaahinta ka sheegay cabashooyin la xiriira mushaar la’aan iyo xaalado adag oo ay wajahayaan ciidamada ku sugan magaalada Garoowe.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Wayrax ayaa maalmo kahor si fagaare ah uga hadlay duruufaha nololeed iyo caafimaad ee haysta ciidamada Daraawiishta, gaar ahaan kuwa ku sugan xerada 54-aad ee magaalada Garoowe.
Gaashaanle Wayrax ayaa sheegay in ciidamada qaarkood aysan wax mushaar ah qaadan muddo gaareysa 24 bilood, taas oo uu ku tilmaamay xaalad si weyn u saameysay nolosha, caafimaadka iyo niyadda ciidamada Puntland.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta ay dhawaan ugu geeriyoodeen magaalada Garoowe xaalado caafimaad darro, kadib markii, sida uu sheegay, laga saaray isbitaallada sababo la xiriira dhaqaale la’aan iyo awood darro ay ku bixiyaan qarashaadka caafimaadka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan