Rabshadaha ka dhanka ah ajaanibta Afrikaanka ah oo ku sii fidayá magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Afrika
Pretoria – Waxaa dib u soo cusboonaaday, isla markaana si xowli ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika uga sii fidayá dibadbaxyo iyo rabshado loogu soo horjeedo dadka ajaanibta ah ee qaaradda Afrika ka soo jeeda. Kacdoonkan oo ay horkacayaan kooxaha u ololeeya ka-hortagga soo-galootiga ayaa saameeyay amniga iyo ganacsiga magaalooyinka halbawlaha u ah dalkaas […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Pretoria – Waxaa dib u soo cusboonaaday, isla markaana si xowli ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Afrika uga sii fidayá dibadbaxyo iyo rabshado loogu soo horjeedo dadka ajaanibta ah ee qaaradda Afrika ka soo jeeda. Kacdoonkan oo ay horkacayaan kooxaha u ololeeya ka-hortagga soo-galootiga ayaa saameeyay amniga iyo ganacsiga magaalooyinka halbawlaha u ah dalkaas sida Johannesburg, Pretoria, Durban, iyo Cape Town.
Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa ku eedaynaya dadka ajaanibta ah inay ka dambeeyaan heerka shaqo la’aanta ee aadka u sarreeya, dhibaatooyinka dhaqaale, iyo faafitaanka falalka dambiyada ah. Rabshadahan ayaa si gaar ah u saameeyay muwaadiniinta ka soo jeeda wadamada dariska ah iyo kuwa qaaradda inteeda kale sida Soomaalida, reer Zimbabwe, Nigeria, iyo Itoobiya ee gacanta ku haya ganacsiyada yaryar, iyadoo la soo sheegay boob iyo gubitaan loo geystay dukaamo dhowr ah iyo qoysas ka barakacay xaafadahooda.
In kasta oo ay dowladda Koonfur Afrika cambaareysay rabshadaha, booliskuna ay xireen dad ku lug lahaa boobka, haddana hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo Midowga Afrika ayaa ugu baaqay xukuumadda Pretoria inay qaaddo tallaabooyin dhab ah oo lagu ilaalinayo nolosha iyo hantida muwaadiniinta Afrikaanka ah ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan