Shariif oo si kulul uga hadlay qorshaha Xasan ee Galmudug
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay mucaaradka ku qabteenMuqdisho ayaa ka hadlay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan maamul-goboleedyada dalka ee uu waqtigoodu dhammaaday. Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu awood ku maquuninayo madaxda dowlad-gobolee

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay mucaaradka ku qabteenMuqdisho ayaa ka hadlay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan maamul-goboleedyada dalka ee uu waqtigoodu dhammaaday.
Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu awood ku maquuninayo madaxda dowlad-goboleedyada, si uu meesha uga saaro, kadibna iskuugu ballaariyo si sharci darro ah.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa tusaale usoo qaatay wixii ka dhacay magaalada Baydhabo, isaga oo sheegay in hadda arrintu ku socoto Galmudug, maadaama ay kasoo cusboonaadeen xiisado siyaasadeed oo horleh.
“Xasan sheekh Maamul-goboleedyadii markuu sharci daro ku haayay dhowr sano kadib ayuu leeyahay mid kasta meesha ka tag ama xabad aan kuu qaadanaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan