Xasan Sheekh oo kula kulmay odayaasha Beesha Murusade
Xasan Sheekh oo Beesha Murusade kaga dalbaday taageero amniga Muqdisho Muqdisho, 24 May 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta madaxtooyada ku qaabilay odayaal, waxgarad, ganacsato iyo xildhibaano ka tirsan Beesha Murusade, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyadoo kulanka diiradda lagu
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Xasan Sheekh oo Beesha Murusade kaga dalbaday taageero amniga Muqdisho
Muqdisho, 24 May 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta madaxtooyada ku qaabilay odayaal, waxgarad, ganacsato iyo xildhibaano ka tirsan Beesha Murusade, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta amniga caasimadda Muqdisho iyo taageeridda dowladda iyo laamaha amniga.
Kulankani wuxuu yimid xilli amniga caasimadda uu yahay mid muhiim u ah xasilloonida dalka, iyadoo beeshu ay ka mid tahay beelaha ugu deegaanka badan gobolka Banaadir. Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in odayaasha dhaqanku ay gacan ka geystaan xoojinta nabadda, gaar ahaan xilligan ay jiraan hanjabaado amni.
“Doorka odayaasha dhaqanka ee nabadda waa mid ay dowladda ka mahadcelinayso, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo si isku duubni iyo wadajir leh,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh kulanka. “Waxaan ka codsanaynaa inaad taageerto dowladda iyo ciidamada amniga si loo ilaaliyo Muqdisho.”
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan