Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Horseed Mediageneral

Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiil lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane,Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiishii geesiyaasha ahaa ee ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee kala ahaa Taliyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xooga Dalka.

SO
Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiil lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo
Sawir / xog muuqaal ah · Horseed Media

Aas Qaran ayaa loo sameeyay saraakiil ku shahiiday dagaalkii ka dhacay duleedka Baydhabo.

Maxaa la shaaciyey

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeybgalay aas-qaranka.
  2. Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa sheegay in saraakiishii shahiiday ay naftooda u hureen difaaca shacabka.
  3. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin, saraakiil, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Saraakiishii shahiiday ay naftooda u hureen difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Jibriil Cabdirashiid Xaaji
Duleedka Baydhabo
2026-05-15

Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la xuso geesinimada saraakiisha iyo taageerada bulshada ee amniga.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Horseed Media

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane,Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay saraakiishii geesiyaasha ahaa ee ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee kala ahaa Taliyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xooga Dalka.

Munaasabadda aas-qaranka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlada Federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, saraakiisha ciidamada qalabka sida, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo dhammaantood muujiyay murugada iyo tacsida ay la wadaagayaan qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in saraakiishii shahiiday ay naftooda u hureen difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo door weyn ka qaatay sugidda nabadda iyo xasilloonida.

Hoggaamiye Jibriil ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada amniga si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta, Hoggaamiye Jibriil ayaa Alle uga baryey saraakiishii geeriyootay inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan eheladii iyo qarankaba.

Isha: Horseed Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Horseed Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsameeyayduleedkabaydhabo
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.