Agaasimaha Guud ee DAD oo Booqday Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa
Addis Ababa, Itoobiya – Dr. Cali Sheekh Axmed, Agaasimaha Guud ee Ururka Bariga Afrika ee Cilmi-baarista iyo Horumarinta (DAD), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Midowga Afrika (AU) ee magaalada Addis Ababa, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya. Booqashadan ayaa waxaa fududeeyey Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Addis Ababa, Itoobiya – Dr. Cali Sheekh Axmed, Agaasimaha Guud ee Ururka Bariga Afrika ee Cilmi-baarista iyo Horumarinta (DAD), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Midowga Afrika (AU) ee magaalada Addis Ababa, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Booqashadan ayaa waxaa fududeeyey Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, iyadoo qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga gobolka ee dhinacyada cilmi-baarista, horumarinta iyo nabad-dhisidda.
Intii uu ku sugnaa Xarunta Midowga Afrika, Dr. Cali Sheekh Axmed ayaa bogaadiyey kaalinta ay dalalka Afrika iyo hay’adaha qaaraddu ka qaateen taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, gaar ahaan dadaalladii iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen ciidamada iyo howl-wadeennada Afrikaanka ah ee ka qeyb qaatay hawlgallada nabad ilaalinta.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee DAD ayaa xusay dhaxalka taariikhiga ah ee ay reebeen hoggaamiyayaashii Afrika ee hormuudka u ahaa xorriyadda, midnimada iyo dimuqraadiyadda qaaradda. Wuxuu si gaar ah u xusay Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), oo lagu xasuusto hoggaankiisii dimoqraadiga ahaa iyo hirgelinta kala-guur nabadeed oo tusaale u noqday dalal badan oo Afrika ah.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.