Arrin halis ah oo aan lagu baraarugsaneyn oo ku soo korortay magaalada Muqdisho
Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin cabsi iyo walaac badan leh ayaa muddooyinkii dambe lagu arkayay magaalada Muqdisho, taasoo lala xiriirinayo qaar ka mid ah shirkadaha dhismaha iyo injineerada ka shaqeeya dhismayaasha waaweyn ee magaalada. Qaar ka mid ah shirkadaha iyo injineerada dhismaha ayaa lagu eedeeyay inay khatar gelinayaan biyaha dhulka hoostiisa ee magaalada, iyagoo dadka […] The

Muqdisho ayaa lagu eedeeyay in shirkadaha dhismaha ay khatar gelinayaan biyaha dhulka hoostiisa, iyadoo haamaha bulaacadda aan si habboon loo faarujin muddo 10 ilaa 15 sano ah.
Maxaa la shaaciyey
- Shirkadaha dhismaha ayaa la sheegay inay ku xiraan haamaha bulaacadda ceelal qoto dheer si ay u kaydiyaan wasakhda.
- Dhaqankan ayaa khatar gelinaya caafimaadka iyo deegaanka, maadaama biyaha dhulka hoostiisa ay yihiin isha ugu weyn ee dadka Muqdisho.
- Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay'adaha kale ma aysan si buuxda u baraarugsaneyn khatarta ka dhalan karta arrintan.
Macnaha guud
Arrintan ayaa ka dhalatay burburka dowladdii dhexe sanadkii 1991, taasoo keentay in adeegyada fayadhowrka aan si nidaamsan loo maamulin.
“Haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, arrintan waxay noqon kartaa khatar qarsoon oo saameyn ku yeelata caafimaadka kumannaan qof.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khataraha caafimaad iyo deegaan ee ka imaanaya dhaqankan, maadaama ay saameyn ku yeelan karto noloshooda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin cabsi iyo walaac badan leh ayaa muddooyinkii dambe lagu arkayay magaalada Muqdisho, taasoo lala xiriirinayo qaar ka mid ah shirkadaha dhismaha iyo injineerada ka shaqeeya dhismayaasha waaweyn ee magaalada.
Qaar ka mid ah shirkadaha iyo injineerada dhismaha ayaa lagu eedeeyay inay khatar gelinayaan biyaha dhulka hoostiisa ee magaalada, iyagoo dadka ay guryaha u dhisayaan kula heshiiya in haanta bulaacadda, ama buusaneerka musqusha, aysan buuxsami doonin muddo u dhexeysa 10 ilaa 15 sano, halkii si caadi ah looga faarujin lahaa saddexdii biloodba mar ama xilli kasta oo ay buuxsanto.
Si taas loo sameeyo, injineerada qaarkood ayaa la sheegay inay haanta bulaacadda ku xiraan ceel ama god aad u qoto dheer, kaas oo loo qaabeeyo in wasakhda adag ee saxarada ay meel gaar ah ku harto, halka biyaha wasakhaysan iyo kaadidu ay si toos ah ugu qulqulaan god hoos u sii dhacaya oo mararka qaar gaaraya 100 ilaa 120 mitir.
Arrintan ayaa ah khatar caafimaad iyo mid deegaan oo weyn, gaar ahaan marka la eego in biyaha dhulka hoostiisa ay yihiin isha ugu weyn ee ay dadka Muqdisho ka helaan biyaha ay cabbaan ama isticmaalaan. Dadka aqoonta u leh caafimaadka dadweynaha iyo biyaha dhulka hoostiisa ayaa fahmi kara in dhaqankan uu horseedi karo in wasakhdu ku faafto dhulka hoostiisa, isla markaana ay gaarto ceelasha ay shacabka isticmaalaan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan