Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay xaaladda Muqdisho
Muqdisho, Soomaaliya – Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda amni ee ka taagan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogag mucaarad ah. Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay colaadda ka socota caasimadda, iyadoo […]

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda amni ee Muqdisho, halkaas oo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogag mucaarad ah ka socdaan.
Maxaa la shaaciyey
- Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaallada oo la raadiyo xal wada-hadal.
- Dowladda Mareykanka ayaa dagaallada ku tilmaantay kuwo mas’uuliyad darro ah, iyadoo sheegtay in go'aannada la qaato ay saameyn weyn yeelan karaan.
- Boqolaal qoys ayaa ka barakacay guryahooda sababo la xiriira dagaallada iyo xaaladda amni ee aan xasilloonayn.
Macnaha guud
Xaaladda amni ee Muqdisho ayaa ka dhalatay dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogag mucaarad ah.
“Dagaalka mid aan la aqbali karin.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda amni ee Muqdisho iyo saameynta ay ku leedahay noloshooda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho, Soomaaliya – Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda amni ee ka taagan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogag mucaarad ah.
Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay colaadda ka socota caasimadda, iyadoo ku tilmaantay dagaalka mid aan la aqbali karin. Safaaraddu waxay dhammaan dhinacyada ku lugta leh ugu baaqday inay muujiyaan is-xakamayn, kana shaqeeyaan xal lagu gaaro wada-hadal iyo degganaansho.
Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa dagaallada ka socda Muqdisho ku tilmaantay kuwo “mas’uuliyad darro ah”, iyadoo carrabka ku adkaysay in go’aannada iyo tallaabooyinka la qaado saacadaha soo socda ay saameyn weyn ku yeelan karaan amniga, midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Dagaallada socda ayaa sidoo kale saameyn ballaaran ku yeeshay noloshii caadiga ahayd ee magaalada. Isku-socodka dadka iyo gaadiidka ayaa si weyn u hakaday, halka inta badan goobaha ganacsiga ay albaabbada u laabeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay istaageen howlihii caadiga ahaa ee ka socday Dekedda Muqdisho, taas oo ka mid ah xarumaha dhaqaalaha ee ugu muhiimsan dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan