Translation being prepared
The reader translation for this story is still being prepared. The original source text is available below.

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
MUQDISHO – Beesha caalamka ayaa muujisay walaac ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in dhinacyada dowladda iyo Mucaaradka ay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada hadallada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Maanta ayay saaxiibada Soomaaliya ku sheegeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan, islamarkaana ay dhex-dhexaadiyaan wada hadallada haddii loo baahdo, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo heshiis u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu bilaabaan wada hadallada, isla markaana ay si degdeg ah is-afgarad uga gaaraan hannaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dowladaha Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta sii kororka xiisadaha siyaasadeed xilli ay ku tilmaameen marxaladda xasaasiga ah ee uu dalka marayo hadda mid aan la aqbali karin.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.