Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediadiplomacy

Ciidamada AUSSOM oo kulan dhiirrigelin iyo bilado guddoonsiin ah ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho — Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho ku guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Munaasabadda oo ahayd bandhig bilado lagu guddoonsiinayay ciidamada ayaa lagu sharfay dadaalka […

SO
Sawir war oo la xiriira Ciidamada AUSSOM oo kulan dhiirrigelin iyo bilado guddoonsiin ah ku yeeshay Muqdisho
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Amb. El Hadji Ibrahima Diene ayaa Muqdisho ku guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Maxaa la shaaciyey

  1. Munaasabadda ayaa lagu sharfay ciidamada Battle Group 43 tan iyo bishii Febraayo 2025.
  2. Amb. Diene ayaa ciidamada ku ammaanay hufnaantooda iyo naf-hurnimada ay muujiyeen.
  3. Ciidamada UPDF ee Battle Group 47 ayaa si rasmi ah ula wareegay howlaha Battle Group 43.

Amb. Diene ayaa ciidamada ku ammaanay hufnaantooda, naf-hurnimada iyo sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Amb. El Hadji Ibrahima Diene
Muqdisho
2026-05-15

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan dadaallada ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya iyo sida ay u taageerayaan amniga dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho — Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM, Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho ku guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Munaasabadda oo ahayd bandhig bilado lagu guddoonsiinayay ciidamada ayaa lagu sharfay dadaalka iyo adeegga ay bixiyeen ciidamada Battle Group 43 tan iyo bishii Febraayo 2025, iyagoo door muuqda ka qaatay howlaha nabad ilaalinta, sugidda amniga iyo xasilinta Soomaaliya.

Amb. Diene ayaa ciidamada ku ammaanay hufnaantooda, naf-hurnimada iyo sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay ciidamada Midowga Afrika ka leeyihiin taageerada dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka amni darrada.

Xafladda ayaa sidoo kale ahayd munaasabad lagu wareejinayay maamulka iyo waajibaadka howlgalka, iyadoo ciidamada UPDF ee Battle Group 47 ay si rasmi ah ula wareegeen howlaha ay horay u hayeen Battle Group 43 ee howlgalka AUSSOM.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliadiplomacydiplomacyciidamadabilado
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.