Translation being prepared
The reader translation for this story is still being prepared. The original source text is available below.

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida ka fuliyey deegaanno dhowr ah oo hoostaga Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku baarayeen fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleystaan haraadiga kooxda Al-Shabaab.
Howlgalkan oo ay iska kaashadeen guutooyinka kala duwan ee ciidanka, ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab. Deegaannada rasmiga ah ee ciidanku ay ka sameeyeen baaritaannada iyo roondooyinka amniga ayaa waxaa ka mid ah Garas Dheere, Jariirow, iyo Dabayley oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliska Ururka 164-aad oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in kormeerka iyo baaritaannada ay u dhaceen sidii loogu talagalay, ujeedkuna uu yahay in laga hortago isku-day kasta oo ay kooxda Al-Shabaab ku doonayso inay ku qalqal-geliso nabadgelyada dadka deegaanka.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa carrabka ku dhuftay in ciidanka Danab ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqyada caynkan ah ilaa si buuxda looga nadiifiyo deegaannadaas haraadiga kooxda, si shacabku ay u helaan jawi deggan oo ay ku ganacsadaan kuna noolaadaan.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.