Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Daawo: FBI oo hab yaab leh u qabatay Soomaali baxsad ka ahaa kiiska Minnesota

Minneapolis (Caasimada Online) – Eedeysane kabo-la’aan ku baxsaday, oo lala xiriirinayo kiis khayaano caafimaad oo ka badan $90 milyan oo ka dhacay gobolka Minnesota, ayaa la qabtay saacado kadib markii uu ka cararay ciidamada FBI-da, xilli muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV-ga uu muujiyay isagoo hal kab gacanta ku haysta, lugna ka dhutinaya. Muhammad Abdulqadir Omar, […] The post Daawo

SO
Sawir war oo la xiriira Daawo: FBI oo hab yaab leh u qabatay Soomaali baxsad ka ahaa kiiska Minnesota
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Muhammad Abdulqadir Omar, oo 32 jir ah, ayaa la qabtay kadib markii uu ka baxsaday ciidamada FBI-da, isagoo ku eedeysan khayaano caafimaad oo ka badan $90 milyan oo ka dhacay Minnesota.

Maxaa la shaaciyey

  1. Omar ayaa ka booday balkoon si uu uga baxsado xarigga, isagoo dhaawac ah.
  2. 15 qof ayaa lagu soo oogay eedeymo khayaano caafimaad oo la xiriira barnaamijyada Medicaid.
  3. Omar iyo Ibrahim Bashir Abdi ayaa lagu eedeeyay inay maamulayeen shirkado gudbiyay sheegashooyin been abuur ah.

Macnaha guud

Baxsashada Omar ayaa dhacday xilli baaritaan la fulinayay oo la xiriira khayaano caafimaad.

Farriinta aan u dirayo khayaanoolayaasha waa tan: maanta cuna, cabba, oo farxa, sababtoo ah maalmaha damaashaadkiinna iyo xorriyaddiinna way kooban yihiin.

Kash Patel, Agaasimaha FBI-da
Minnesota
2026-05-23

Sababta ay muhiim u tahay: Qoraalkan wuxuu muujinayaa sida khayaanada caafimaad ay u saameyneyso bulshada, gaar ahaan barnaamijyada dowladda.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Minneapolis (Caasimada Online) – Eedeysane kabo-la’aan ku baxsaday, oo lala xiriirinayo kiis khayaano caafimaad oo ka badan $90 milyan oo ka dhacay gobolka Minnesota, ayaa la qabtay saacado kadib markii uu ka cararay ciidamada FBI-da, xilli muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV-ga uu muujiyay isagoo hal kab gacanta ku haysta, lugna ka dhutinaya.

Muhammad Abdulqadir Omar, oo 32 jir ah, kana soo jeeda Roseville, Minnesota, ayaa ka mid ah 15 qof oo lagu soo oogay eedeymo la xiriira khayaano lagu bartilmaameedsaday barnaamijyada Medicaid ee gobolka Minnesota. Omar ayaa lagu eedeeyay inuu ka booday balkoon ku yaalla dabaqa afraad ee dhisme si uu uga baxsado xarigga, sida uu sheegay Agaasimaha FBI-da Kash Patel.

“Kadib shirkii jaraa’id ee ay maanta si wadajir ah u qabteen hay’adaha kala duwan, kaas oo lagu shaaciyay 15 eedeyn oo la xiriira khayaano ka dhan ah barnaamijyada caafimaadka dadweynaha ee Minnesota, qofka hoos ku xusan ee baxsadka ahaa, Muhammad Omar, hadda waa la xiray,” ayuu Patel ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X, isagoo raaciyay sawir muujinaya eedeysanaha oo dhutinaya, gacantana ku haya hal kab.

Patel ayaa sheegay in Omar lagu soo oogay eedeymo la xiriira khayaano caafimaad, oo hoos imaanaya qodobbada 18 U.S.C. § 1349 iyo 18 U.S.C. § 1347. Eedeymaha ayaa la xiriira shirkad ka shaqeynaysay Adeegyada Dejinta Guryaha, ama Housing Stabilization Services, taas oo lagu eedeeyay inay gudbisay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan adeegyo aan la bixin, isla markaana lacagaha ka soo baxay loo weeciyay dano shakhsi ah.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralminnesotadaawofbi
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.