Dagaal Xooggan oo Ka Socda Duleedka Magaalada Baydhabo
Baydhabo – Wararka laga helayo duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal culus uu u dhexeeyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Dagaalka ayaa la sheegay inuu saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeystay, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidamada taageersan L

Dagaal culus ayaa ka socda duleedka magaalada Baydhabo oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).
Maxaa la shaaciyey
- Ciidamada taageersan Lafta Gareen ayaa maalmihii dambe abaabul ciidan ka waday deegaanno ku dhow Baydhabo.
- Geerida saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay, kuwaas oo kala ahaa Taliye Yoonis iyo Taliye Cali Adoow.
- Xiisadda ayaa sare u kacday xilli dhawaan magaalada Baydhabo ay ka dhacday doorashada golaha deegaanka.
Macnaha guud
Dagaalka ayaa ka dhashay khilaafaad siyaasadeed iyo amni oo ka taagan deegaanka Baydhabo.
“Dagaalka ayaa la sheegay inuu saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeystay.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka warqabaan saameynta colaadda iyo xaaladda amni ee sii xumaaneysa.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo – Wararka laga helayo duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal culus uu u dhexeeyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).
Dagaalka ayaa la sheegay inuu saacadihii lasoo dhaafay sii xoogeystay, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidamada taageersan Lafta Gareen ay maalmihii dambe abaabul ciidan ka wadeen deegaanno ku dhow Baydhabo.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Lafta Gareen ay dagaalka ku yeesheen awood dheeraad ah, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha guud ee labada dhinac.
Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay geerida saraakiil sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ahaa taliye-yaashii Guutooyinka 9-aad iyo 8-aad ee Qaybta 60-aad, Taliye Yoonis iyo Taliye Cali Adoow. Saraakiishan ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen dagaallada socda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan