Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Radio Dalsangeneral

Deni oo ka qaatay Mareykanka balanqaad amni iyo maalgashi

Puntland iyo Mareykanka oo xoojinaya iskaashiga Garoowe, 20 May 2026 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare oo ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo saraakiil ka tirsan Afri

SO
Deni oo ka qaatay Mareykanka balanqaad amni iyo maalgashi
Sawir / xog muuqaal ah · Radio Dalsan

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis.

Maxaa la shaaciyey

  1. Kulanka ayaa looga hadlay amniga, siyaasadda, maalgashiga, iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.
  2. Justin Davis ayaa bogaadiyay hawlgalada ciidamada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha ay ka gaareen buuralayda Calmiskaad.
  3. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka go'an tahay xoojinta xiriirka iskaashi ee Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga.

Macnaha guud

Kulanka ayaa yimid xilli Puntland ay ka mid tahay gobolada ugu xasilloon Soomaaliya, iyadoo Mareykanku uu doonayo inuu ku taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Waxaan bogaadinayaa hawlgalada ciidamada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha ay ka gaareen buuralayda Calmiskaad.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Justin Davis, Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya +1
Garoowe
2026-05-20

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan taageerada Mareykanka ee Puntland, taasoo saameyn ku yeelan karta amniga iyo horumarka dhaqaalaha gobolka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Radio Dalsan

Garoowe, 20 May 2026 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare oo ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo saraakiil ka tirsan Africom oo uu ka mid yahay Col. Shane Jones, iyadoo kulanka looga hadlay amniga, siyaasadda, maalgashiga iyo ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Kulankani wuxuu yimid xilli Puntland ay ka mid tahay gobolada ugu xasilloon Soomaaliya, iyadoo Mareykanku uu doonayo inuu ku taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan hawlgallada ka socda buuralayda Calmiskaad. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalka Soomaaliya iyo doorka Puntland.

“Waxaan bogaadinayaa hawlgalada ciidamada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha ay ka gaareen buuralayda Calmiskaad,” ayuu yiri Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka, Justin Davis. “Waxaan xusayaa horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, waxaanan ballanqaadayaa taageerada Dowladda Mareykanka ee dhinacyada adkeynta amniga, baahinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iskaashi ee Mareykanka gaar ahaan dhinacyada maalgashiga khayraadka dabiiciga ah, sida macdanta, kalluumeysiga, iyo shidaalka. Waxa uu intaas ku daray in taageerada Mareykanku ay muhiim u tahay si looga gudbo caqabadaha amniyeed loona horumariyo dhaqaalaha.

Isha: Radio Dalsan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Radio Dalsan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldenimareykankamaalgashi
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.