DF oo shaacisay xilliga la filayo natiijada shidaal qodista
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii Turkiga uu billaabay qodis badeedkii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas ah oo laga sameeyo xeebaha Soomaaliya. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in mashruuca Soomaaliya iyo Turkiga uu galay marxalad cusub, kaddib markii [

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii Turkiga uu billaabay qodis badeedkii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas ah oo laga sameeyo xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in mashruuca Soomaaliya iyo Turkiga uu galay marxalad cusub, kaddib markii la soo gabagabeeyay sahankii dhul-badeedka, lana falanqeeyay xogtii laga helay.
Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa bishii hore gaaray xeebaha Muqdisho, si uu u bilaabo qodista ceelka Curad-1, oo loo arko mid ka mid ah tillaabooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ay u qaaday dhinaca sahminta shidaalka badda.
“Wadashaqeynta Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca hydrocarbons-ka waxay hadda gashay marxaladdii labaad, taas oo ah qodista,” ayuu wasiirku u sheegay wakaaladda Anadolu.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.