DF ‘oo u adeegsatay’ shirkad dibada ah si loo aamusiyo warbaahinta iyo mucaaradka
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in warbaahinta madaxa-bannaan ay dacwo u gudbiyeen safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho, iyagoo ka cabanaya weerarro online ah oo la sheegay in dowladda ay u wakiilatay shirkad dibadda ku taalla, taas oo si been abuur ah u sheegata xuquuqda wararka ay baahiyaan warbaahinta madaxa-bannaan. Wararka ayaa […] The post DF ‘

Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa dacwo u gudbisay safaaradaha reer Galbeedka, iyagoo ka cabanaya weerarro online ah oo ay dowladda Soomaaliya u wakiilatay shirkad dibadda ah.
Maxaa la shaaciyey
- Shirkadda CONVEY LLC, oo fadhigeedu yahay Talyaaniga, ayaa sheegatay xuquuqda muuqaalada lagu soo geliyo baraha Meta, gaar ahaan Facebook.
- Ururka SOMWA ayaa walaac ka muujiyay weerarro online ah oo si habeysan loogu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed.
- Weerarradan ayaa saameyn ku yeeshay awoodda warbaahinta madaxa-bannaan sida Shabelle TV, Universal TV, iyo Dalsan TV.
Macnaha guud
Xaaladda siyaasadeed ee kacsan ee Soomaaliya ayaa keentay cadaadis dheeraad ah oo lagu hayo suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan.
“Weerarradan online-ka ah ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan oo ka taagan Soomaaliya.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khataraha cusub ee ka dhashay cadaadiska lagu hayo warbaahinta madaxa-bannaan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in warbaahinta madaxa-bannaan ay dacwo u gudbiyeen safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho, iyagoo ka cabanaya weerarro online ah oo la sheegay in dowladda ay u wakiilatay shirkad dibadda ku taalla, taas oo si been abuur ah u sheegata xuquuqda wararka ay baahiyaan warbaahinta madaxa-bannaan.
Wararka ayaa sheegaya in shirkadda CONVEY LLC, oo ka shaqeysa arrimaha suuq-geynta, lana sheegay in fadhigeedu yahay Talyaaniga, ay sheegatay xuquuqda muuqaalada lagu soo geliyo baraha Meta, gaar ahaan Facebook, kuwaas oo ay leeyihiin telefishinno iyo idaacado dhowr ah, si loo aamusiyo ama loo yareeyo wararka mucaaradka.
Ururka u dooda xuquuqda haweenka ka shaqeeya warbaahinta ee SOMWA ayaa qoraal uu soo saaray walaac weyn kaga muujiyay mowjado sii kordhaya oo weerarro online ah, kuwaas oo si habeysan loogu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, xarumaha warbaahinta madaxa-bannaan iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada.
Weerarradan online-ka ah ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan oo ka taagan Soomaaliya, halkaas oo suxufiyiinta iyo ururrada warbaahintu ay horayba ugu shaqeynayeen cadaadis daran, cagajugleyn iyo amni-darro.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan