Digniin amni oo loo diray Soomaalida ku sugan Koonfur Afrika
Cape Town (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa soo saartay digniin amni oo ay u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ku boorisay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah kadib weeraradii u dambeeyay ee ku salaysnaa naceybka shisheeyaha, kuwaas oo lagu beegsaday muwaadiniinta u dhashay Afrika iyo Aasiya ee ku sugan qaybo ka ka […] The post Digniin amni oo lo

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ku boorisay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan kadib weerarada ka dhanka ah muhaajiriinta.
Maxaa la shaaciyey
- Safaaradda ayaa ku baaqday in Soomaalida ay ka fogaadaan meelaha khatarta ah iyo isu soo baxyada rabshadaha.
- Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa lagu booriyay inay xiraan meheradahooda inta lagu jiro xiisadda amni.
- Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa cambaareeyay weerarada, isagoo sheegay in fursad-doonayaal ay ka faa'iideysanayaan cabashooyinka bulshada.
Macnaha guud
Digniintan ayaa ka dambaysay kadib markii ay korortay mudaaharaadyada iyo weerarada ka dhanka ah muhaajiriinta ee Koonfur Afrika.
“Rabshadaha socda ayaa cabsi weyn ku abuurtay bulshooyinka muhaajiriinta ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa khatar ku jira, waxaana muhiim ah inay feejignaadaan si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Cape Town (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa soo saartay digniin amni oo ay u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ku boorisay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah kadib weeraradii u dambeeyay ee ku salaysnaa naceybka shisheeyaha, kuwaas oo lagu beegsaday muwaadiniinta u dhashay Afrika iyo Aasiya ee ku sugan qaybo ka ka mid Koonfur Afrika.
Safaaradda ayaa ugu baaqday Soomaalida inay feejignaan muujiyaan, kana fogaadaan meelaha laga soo sheegay rabshadaha ama khataraha amniga, sidoo kale ay ka fogaadaan isu soo baxyada isu beddeli kara rabshado.
Waxa kale oo ay ku boorisay ganacsatada Soomaaliyeed inay tixgeliyaan inay xiraan meheradahooda ganacsi inta lagu jiro xilliyada ay taagan tahay xiisadda sare u kacday, si ay u badbaadiyaan naftooda iyo hantidooda.
Digniintan ayaa ka dambaysay kadib markii ay korortay mudaaharaadyada iyo weerarada ka dhanka ah muhaajiriinta ee ka dhacay dhowr magaalo oo ku yaalla Koonfur Afrika, oo ay ku jiraan Johannesburg, Pretoria, iyo Durban.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan