Dowladda Holland oo amar adag kasoo saartay weerarada lala beegsado qaxootiga.
Amsterdam (Caasimada Online) – Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo kordhayay weerarrada lagu bartilmaameedsado qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku sugan dalka Netherlands, kuwaas oo kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, ay si weyn uga soo horjeedaan xarumaha lagu dejiyo dadkaas qaxootiga ah. Kooxahan cunsuriyiinta ah ayaa dab qabadsiiyey xarun ku-meel-gaar ah oo ay [

Dowladda Holland ayaa amar adag kasoo saartay weerarada lagu beegsado qaxootiga magangelyo-doonka ah, iyadoo kooxo cunsuri ah ay dab qabadsiinayaan xarumaha qaxootiga.
Maxaa la shaaciyey
- Kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, ayaa weerar ku qaaday xarun magangelyo-doon ah oo ku taalla magaalada Loosdrecht.
- Golaha Wasiirrada ayaa ballanqaaday in la bixin doono kaalmo iyo xal gaar ah si loo adkeeyo ammaanka qaxootiga.
- Ra’iisul Wasaaraha Netherlands ayaa cambaareeyay weerarrada cunsuriyadda ku saleysan, isagoo sheegay inay yihiin falal xadkoodii dhaafay.
Macnaha guud
Weerarradan ayaa ka dambeeyay kororka rabshadaha ka dhanka ah qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku sugan Netherlands.
“Ra’iisul Wasaaraha Netherlands ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamay weerarrada cunsuriyadda ku saleysan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladaha amni ee qaxootiga ku sugan Holland, gaar ahaan kuwa cusub.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Amsterdam (Caasimada Online) – Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo kordhayay weerarrada lagu bartilmaameedsado qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku sugan dalka Netherlands, kuwaas oo kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, ay si weyn uga soo horjeedaan xarumaha lagu dejiyo dadkaas qaxootiga ah.
Kooxahan cunsuriyiinta ah ayaa dab qabadsiiyey xarun ku-meel-gaar ah oo ay deggen yihiin dad magangelyo-doon ah oo ku taalla magaalada Loosdrecht, waxayna isku dayeen inay ka horjoogsadaan ciidanka dab-demiska inay damiyaan dabka. Si kastaba, dadkii ku sugnaa xarunta iyo shaqaalihii ayaa laga badbaadiyey.
Golaha Wasiirrada oo arrintan shir ka yeeshay ayaa u ballanqaaday dowladaha hoose kaalmo iyo xal gaar ah oo ku saabsan qaabilidda magangelyo-doonka, si loo adkeeyo ammaankooda, isagoo cambaareeyey rabshadaha ka dhanka ah xarumaha la weeraray.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Netherlands, Abdikadir Ali Nuune, ayaa war lagu farxo ku tilmaamay ballan-qaadka Ra’iisul Wasaare Rob Jetten, oo sheegay in la bixin doono xalal gaar ah, isla markaana la sameyn doono kooxo firfircoon oo la shaqeyn doona ururka dowladaha hoose ee Netherlands.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan