Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii waddo dadaallo iyo xiriirro xooggan oo lagu dedejinayo sii deynta badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu afduubtay markabka shidaalka qaada ee “M/T Eureka”. Wuxuu xusay in ay socdaan wada-shaqeyn iyo dhaq-dhaqaaqyo heerar […]
Dowladda Soomaaliya waxay sii waddaa dadaallo lagu dedejinayo sii deynta badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu afduubtay markabka shidaalka qaada ee 'M/T Eureka'.
Maxaa la shaaciyey
- Safiirka Soomaaliya ee Masar, Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sii deynta muwaadiniinta Masaarida ah.
- Wada-shaqeyn iyo dhaq-dhaqaaqyo heerar kala duwan ayaa socda si loo xaqiijiyo badqabkooda.
- Safiirku wuxuu adkeeyay muhiimadda iskaashiga amniga iyo badaha ee Soomaaliya iyo Masar.
“Dowladda Soomaaliya waxay si weyn u danaynayso arrintan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan badbaadinta muwaadiniinta afduubtay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii waddo dadaallo iyo xiriirro xooggan oo lagu dedejinayo sii deynta badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu afduubtay markabka shidaalka qaada ee “M/T Eureka”.
Wuxuu xusay in ay socdaan wada-shaqeyn iyo dhaq-dhaqaaqyo heerar kala duwan ah si loo xaqiijiyo badqabkooda iyo inay si degdeg ah ugu laabtaan dalkooda. Hadalkan ayuu safiirku sheegay xilli uu kulan la yeeshay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika, Karim Sherif. Safiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn u danaynayso arrintan, isla markaana ay waddo xiriirro heer sare ah oo lala leeyahay dhinacyada ay khusayso si loo xalliyo dhibaatada loona soo afjaro afduubka.
Sidoo kale, Safiir Cali Awaare ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ay la leedahay Masar, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo badaha. Wuxuu tilmaamay in ay muhiim tahay in dowladaha ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay iska kaashadaan la tacaalidda caqabadaha wadajirka ah iyo sugidda amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, safiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay siiso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo doorka ay ka qaadaneyso taageeridda hay’adaha dowladda Soomaaliya, la dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta nabadda iyo horumarka dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan