Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta degmada Shingaani
Muungaab oo ka jaray xarigga xarunta cusub ee degmada Shingaani – ‘Adeegga dadweynaha ayaa sare loo qaaday Muqdisho, Maajo 25, 2026 – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u xarigga ka jaray Xarunta Maamulka Degmada Shingaani, ka dib dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, […]
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muungaab oo ka jaray xarigga xarunta cusub ee degmada Shingaani – ‘Adeegga dadweynaha ayaa sare loo qaaday
Muqdisho, Maajo 25, 2026 – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u xarigga ka jaray Xarunta Maamulka Degmada Shingaani, ka dib dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, si loo xoojiyo hufnaanta maamulka loona sare qaado adeegyada dadweynaha.
Dib-u-dhiska xarumaha dowladda ayaa muhiimad weyn u leh Soomaaliya, iyadoo sanado dhaawac iyo burbur ay hoos u dhigeen kalsoonida shacabka ku qabta hay’adaha dawliga ah. Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ballan qaaday in uu sii wado casriyaynta degmooyinka si loo soo celiyo kalsoonida loona hubiyo in canshuurta laga qaado shacabka ay ku soo laabato adeegyo tayo leh.
“Dib-u-dhiska iyo tayeynta xarumaha dowladdu waxay laf-dhabar u yihiin horumarinta adeegyada bulshada iyo dhisidda kalsoonida shacabka,” ayuu yiri Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab. “Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu ka go’an yahay in la sii xoojiyo dhismaha xarumaha adeegga dadweyne, taasoo ka dhigan in dib loogu celinaayo canshuurta laga qaado shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho.”
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.