FALANQAYN: SOOMAALIDU HESHIIS MA GAARI KARTAA IYADA OO AYSAN BEESHA CAALAMKU DHEXDHEXAADIN?
Su’aashan maanta waxay ka mid tahay kuwa ugu culus ee horyaalla siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo mucaaradka, isla markaasna…
Soomaalidu waxay ka doodayaan suurtagalnimada heshiis siyaasadeed iyaga oo aan ku tiirsaneyn beesha caalamka, iyadoo khilaaf u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka uu sii xoogeysanayo.
Maxaa la shaaciyey
- Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka ah iyo mucaaradka ayaa sii kordhaya, iyadoo shirar siyaasadeed ay socdaan.
- Soomaalidu waxay ka baqayaan in heshiisyada siyaasadeed ay ku tiirsan yihiin cadaadis dibadeed.
- Taariikhda Soomaaliya waxay muujinaysaa in heshiisyada waaweyn badankood ay ka dhaceen meel ka baxsan dalka.
Macnaha guud
Khilaafka siyaasadeed ee hadda jira ayaa ka dhashay ajandayaal ay ka mid yihiin dib-u-eegista dastuurka iyo qaabka doorashada.
“Soomaalidu ma awoodaan inay kaligood heshiis gaaraan, mise wali waxay ku tiirsan yihiin gacmo shisheeye si ay u xalliyaan khilaafaadkooda?”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan sida khilaafka siyaasadeed uu u saameynayo mustaqbalka dalka iyo doorka beesha caalamka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Su’aashan maanta waxay ka mid tahay kuwa ugu culus ee horyaalla siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo mucaaradka, isla markaasna ay socdaan shirar siyaasadeed oo mucaaradku kaga tashanayaan mustaqbalka doorashooyinka, dastuurka, iyo jihada guud ee dalka ka hor 15ka May. Mar kasta oo ay Soomaaliya gasho marxalad siyaasadeed oo adag, waxaa si dhaqso leh u muuqata hal arrin oo soo noqnoqota: in indhaha lagu jeediyo Beesha Caalamka, si ay u noqoto dhexdhexaadiye, cadaadis saara dhinacyada is-haya, ama xitaa soojeedisa xal diyaar ah. Tani waxay dhalisay weydiin ah: Soomaalidu ma awoodaan inay kaligood heshiis gaaraan, mise wali waxay ku tiirsan yihiin gacmo shisheeye si ay u xalliyaan khilaafaadkooda?
Taariikhda dhow ee Soomaaliya waxay caddayn u tahay in heshiisyada waaweyn ee siyaasadeed badankood ay ka dhaceen meel ka baxsan dalka ama ay si toos ah u hagayeen quwado dibedda ah. Laga soo bilaabo shirarkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti, Kenya, Itoobiya, ilaa heshiisyadii doorashooyinka iyo khilaafaadka dastuuriga ah ee marar badan lagu xalliyay cadaadis ka yimid safaarado shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah, Soomaaliya waxay noqotay dal aan si fudud u gaari karin heshiis gudaha ah iyadoo aan dibedda laga riixin. Tani waxay dhaawacday kalsoonidii siyaasiyiinta iyo shacabka, labadaba, ee ku aaddan codadka gudaha ee xalraadinta.
Khilaafka maanta taagan ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka wuxuu tusaale kale u yahay dhibaatadan soo jiitamaysay. Dawladdu waxay doonaysaa inay hirgeliso ajandayaal ay ku jirto dib-u-eegista dastuurka, qaabka doorashada, iyo xoojinta awoodda Dawladda Dhexe, halka mucaaradku ka muujinayaan cabsi la xiriirta in talada dalka lagu koobayo hal dhinac, lana wiiqayo wadatashigii siyaasadeed ee loo baahnaa. Halkii ay labada dhinac si qotadheer u wada fariisan lahaayeen, waxaa durba soo baxaya hadal ah in beesha caalamka loo baahan yahay si ay cadaadis u saarto dhinacyada, ama u dammaanadqaaddo heshiis kasta oo la gaaro.
Arrinta ugu weyn ee halkan taalla ma aha oo keliya khilaafka siyaasadeed ee jira, hase ahaatee waa dhaqan siyaasadeed muddo dheer soo jiray oo ku dhisan in dhinac walba uu aamino in guusha laga heli karo dibedda halkii laga heli lahaa wadahadal gudaha ah. Mucaaradku mararka qaar waxay rumaysan yihiin in taageerada safaaradaha iyo beesha caalamka ay ka awood badan tahay miiska wadahadalka gudaha, halka Dawladdu mararka qaar ay isku daydo inay sharciyad dibadeed ka hesho saaxiibbada caalamka si ay u xoojiso mawqifkeeda gudaha. Sidaas darteed, xal kasta wuxuu noqdaa mid laga sugo dibedda halkii laga dhisi lahaa kalsooni Soomaaliyeed, xalkana laga dhalin lahaa maslaxadda Soomaalida.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan