Geesigii weerarka Masaajidka San Diego oo qoyskiisa loo ururiyay 1.4 milyan dollar
San Diego (Caasimada Online) – In ka badan 1.7 milyan oo dollar ayaa muddo kooban loogu ururiyey qoyska Amin Abdullah, oo ahaa waardiyihii lagu dilay weerar Isniintii ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, xilli uu isku dayayey inuu badbaadiyo carruur iyo dad kale oo ku sugnaa xaruntaas. Amin Abdullah, oo […] The post Geesigii weerarka Masaajidka San Diego oo

In ka badan 1.7 milyan oo dollar ayaa loogu ururiyey qoyska Amin Abdullah, waardiyihii lagu dilay weerar masaajid ku yaalla San Diego.
Maxaa la shaaciyey
- Amin Abdullah ayaa naftiisa u huray si uu u badbaadiyo carruurta iyo dadka kale ee ku sugnaa masaajidka.
- Weerarka ayaa dhacay xilli ay carruur badan ku sugnaayeen iskuul ku dhex yaalla xarunta masaajidka.
- Booliska ayaa baaraya in weerarku uu ahaa fal naceyb ku saleysan.
Macnaha guud
Weerarka ayaa mar kale ka dhaliyay dood ku saabsan amniga goobaha cibaadada iyo khatarta sii kordheysa ee falalka naceybka ku saleysan.
“Waa cadaalad in la yiraahdo ficilladiisu waxay ahaayeen kuwo geesinnimo leh.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka warqabaan dhacdooyinka amni darro ee ka dhaca goobaha cibaadada, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Muslimiinta.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
San Diego (Caasimada Online) – In ka badan 1.7 milyan oo dollar ayaa muddo kooban loogu ururiyey qoyska Amin Abdullah, oo ahaa waardiyihii lagu dilay weerar Isniintii ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California, xilli uu isku dayayey inuu badbaadiyo carruur iyo dad kale oo ku sugnaa xaruntaas.
Amin Abdullah, oo ahaa aabbe dhalay siddeed carruur ah, ayaa ka mid ahaa saddex qof oo lagu dilay weerarka ka dhacay Islamic Center of San Diego, oo ah mid ka mid ah masaajidda ugu waaweyn gobolka San Diego.
Weerarka ayaa dhacay xilli ay carruur badan ku sugnaayeen iskuul ku dhex yaalla xarunta masaajidka. Wararku waxay sheegayaan in Abdullah uu kaalin weyn ka qaatay in gudaha xarunta la xiro, islamarkaana carruurta iyo shaqaalaha la geliyo xaalad badbaado, ka hor inta aan la dilin.
Taliyaha booliska San Diego, Scott Wahl, ayaa Amin Abdullah ku tilmaamay geesi ficilladiisu ay badbaadiyeen nolosha dad badan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan