Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Oo Maanta Dooranaya Dalka Beddeli Doona Soomaaliya
New York – Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta, inta lagu jiro kalfadhigiisa 80-aad, u codeynaya doorashada shan xubnood oo cusub oo aan joogto ahayn oo ku biiri doona Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ay dhammaaneyso muddadii xilheynta laba sano ahayd ee dalalka hadda ku fadhiya kuraastaas, kuwaas oo ay Soomaaliya ka mid […]

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
New York – Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta, inta lagu jiro kalfadhigiisa 80-aad, u codeynaya doorashada shan xubnood oo cusub oo aan joogto ahayn oo ku biiri doona Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ay dhammaaneyso muddadii xilheynta laba sano ahayd ee dalalka hadda ku fadhiya kuraastaas, kuwaas oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Sida uu dhigayo nidaamka Golaha Ammaanka, kuraasta aan joogtada ahayn waxaa loo qaybiyaa gobollada kala duwan ee adduunka. Kursiga Afrika ee ay hadda ku fadhido Soomaaliya ayaa la filayaa inuu sanadkan ku guuleysto Zimbabwe, oo loo arko musharraxa u taagan gobolka.
Soomaaliya ayaa kursigan ku guuleysatay doorashadii lagu qabtay kalfadhigii 78-aad ee Golaha Guud, iyadoo ahayd musharraxa keliya ee ka socday Bariga Afrika. Waxayna si rasmi ah xilka ula wareegtay 1-dii Janaayo 2025, iyadoo muddada xilheynteedu ku eg tahay 31-ka Diseembar 2026.
Xubinnimadan ayaa ah markii labaad ee Soomaaliya ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto Golaha Ammaanka, kaddib markii ugu horreysay ay kursigan ku fadhiisatay muddadii u dhexeysay 1971 ilaa 1972.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan