Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. Iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, Guddigu wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah […]
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, Guddigu wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka ku saabsan dhacdada, isagoo la xiriiraya maamulka deegaanka, bulshada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.
GMXIQ waxay adkaynaysaa muhiimadda ilaalinta nolosha dadka rayidka ah iyo xaqiijinta badqabkooda, iyadoo ugu baaqaysa hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda. Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska, ehellada iyo dhammaan dadka ay saameysay dhacdadan.
Guddigu wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay korjoogtaynta, baarista iyo ka warbixinta xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, caddaalad iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.