Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Xarunta Maamulka Degmada Shingaani, oo dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, si’ loo xoojiyo hufnaanta maamulka, islamarkaana sare loogu qaado adeegyada dadweynaha. Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab ayaa sheegay in dib-u-dhiska iyo tayeynta xarumaha dowladdu ay laf-
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Xarunta Maamulka Degmada Shingaani, oo dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, si’ loo xoojiyo hufnaanta maamulka, islamarkaana sare loogu qaado adeegyada dadweynaha.
Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab ayaa sheegay in dib-u-dhiska iyo tayeynta xarumaha dowladdu ay laf-dhabar u yihiin horumarinta adeegyada bulshada iyo dhisidda kalsoonida shacabka, isagoona xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in la sii xoojiyo dhismaha xarumaha adeegga dadweyne, taaso ka dhigan in dib loogu celinaayo canshuurta laga qaado shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhinaca kale faray hay’adaha ka shaqeeya Udxiyada (Gowraca Xoolaha ee Munaasabadda Ciidda) iyo dadka wax haysta in munaasabadda ciidul adxaa awgeed ay taageeraan, islamarkaana gargaaraan bulshada kuwooda nugul, isagoo geesta kale bogaadiyay guulaha laga gaaray amniga, waxa uuna ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga.
Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi, Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee XFS, Mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Shingaani, Odayaasha dhaqanka, agaasimayaal heer gobol ah iyo marti-sharaf kale.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.