Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay ilaa saddex horjooge oo sare, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid iyo xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka maleeshiyaadka, ka fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan. Ciidanka NISA oo la socday dhaq-dhaqaaqa Horjoogeyaas
Ciidanka NISA ayaa howlgallo qorsheysan ku burburiyay gaadiid iyo xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka maleeshiyaadka, iyadoo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay saddex horjooge oo sare.
Maxaa la shaaciyey
- Howlgallada ayaa ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan.
- Cali Xuseen, Mowliid Jiis, iyo Maxamed Hiiraan ayaa ah horjooge-yaasha la dhaawacay.
- Shan baabuur ayaa lagu gubay goobaha ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay maleeshiyaad.
Macnaha guud
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta.
“Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.”
Sababta ay muhiim u tahay: Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khataraha amni ee ka imaanaya Khawaarijta.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay ilaa saddex horjooge oo sare, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid iyo xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka maleeshiyaadka, ka fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan.
Ciidanka NISA oo la socday dhaq-dhaqaaqa Horjoogeyaashan sare oo ka tirsan Khawaariijta kuwaas oo gaaray deegaanka Buq-aqable, ayaa weerar culus ku qaadey goob ay abaabul ka wadeen, waxaana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyay Cali Xuseen oo ah horjoogaha maleeshiyaadka dhagarta fuliya ee Gobollada Dhexe, Mowliid Jiis oo ah wakiilka Khawaarijta ee degmada Buulo-burde, iyo Maxamed Hiiraan oo ah wakiilka Khawaarijta degmada Jalalaqsi.
Sidoo kale, howlgallo isxig-xigay ayaa lagu beegsaday goobo ay kooxdu ku diyaarinaysay maleeshiyaad iyada oo halkaas lagu gubay ilaa shan baabuur oo seddex ka mid ah ay ahaayeen nooca BG loo yaqaano, kuwaas oo mid ka mid ah uu saarnaa qoriga 39 (thirty-nine) ama lidka diyaaradaha.
Howlgalladan qorsheysan waxa ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna fashilinayo abaabul kasta oo ay ku carqaladeynayaan amniga iyo xasilloonida dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan