Howlgal ka dhacay duleedka Baydhabo oo lagu dilay Ku dhawaad 50 xubnood ooka tirsanaa Al-Shabaab
Baydhabo — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xalay howlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo sida la sheegay ay kooxo hubeysan kusoo qaadeen ciidamo ku howlanaa sugidda amniga. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo isugu […]

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyay duleedka Baydhabo, taasoo lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Maxaa la shaaciyey
- Howlgalka ayaa lagu dilay dagaalyahanno iyo maleeshiyaad taageersan Al-Shabaab.
- Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan.
- Maleeshiyaadka la dilay ayaa lagu eedeeyay inay taageero siiyaan Al-Shabaab.
Macnaha guud
Weerarka gaadmada ah ayaa sababay in ciidanka ay fuliyaan howlgal qorsheysan si loo xoojiyo amniga.
“si toos ah ugu milmay Al-Shabaab”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khatarta Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka taageeraya amniga Koonfur Galbeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Baydhabo — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xalay howlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo sida la sheegay ay kooxo hubeysan kusoo qaadeen ciidamo ku howlanaa sugidda amniga.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo isugu jiray dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxahaasi u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo sida ay sheegtay “si toos ah ugu milmay Al-Shabaab”.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan