Itoobiya oo ay ka dhacday doorasho la filayo inuu ku guuleysto Abiy – Sidee?
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dadka reer Itoobiya ayaa Isniintii billaabay inay u codeeyaan doorashada baarlamaanka iyo tan deegaannada, iyadoo la saadaalinayo 11-june oo la shaacin doono natiijada in xisbiga Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku guuleysan doono aqlabiyad ballaaran, inkastoo ay jiraan xasillooni-darro baahsan oo ka taagan inta badan dalka. In ka badan 50 […] The post It

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dadka reer Itoobiya ayaa Isniintii billaabay inay u codeeyaan doorashada baarlamaanka iyo tan deegaannada, iyadoo la saadaalinayo 11-june oo la shaacin doono natiijada in xisbiga Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku guuleysan doono aqlabiyad ballaaran, inkastoo ay jiraan xasillooni-darro baahsan oo ka taagan inta badan dalka.
In ka badan 50 milyan oo qof ayaa iska diiwaangeliyay codeyntii maalintii Isniinta. Si kastaba ha ahaatee, codbixintu kama dhicin gobolka waqooyiga ee Tigray, halkaas oo Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka Itoobiya (NEBE) uu u sababeeyay xaalado aan habboonayn kadib dagaalkii sokeeye ee dhacay intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022 iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee weli ka jira halkaas.
Sidoo kale, doorashadii guud ee dhacday Isniintii ayaa ka dhicin meelo ka mid ah gobollada Oromada iyo Amxaarada ee dalka Itoobiya sababo la xiriira walaac dhanka amniga ah, laakiin safaf dhaadheer oo dadka codeynaya ah ayaa laga arkay meelo kale, sida ay ku dhawaaqday guddoomiyaha guddiga doorashada Melatwork Hailu.
Iskahorimaadyada ka jira qaybo ka mid ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa ka dhigan in dad badani aysan awoodi doonin inay ka qayb galaan doorashadii toddobaad tan iyo markii uu dhammaaday nidaamkii milatariga ahaa ee hanti-wadaagga sannadkii 1991-kii.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.