Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Jaamacadda Carabta oo ka digtay khatarta faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Qaahira, Masar — Jaamacadda Dalalka Carabta ayaa si adag uga digtay khatar ka dhalan karta faragelin milatari oo ay sameyso Isra’iil oo ku wajahan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Axmed Abuu Al-Ghayt ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in weerarro iyo faragelin kasta oo milatari oo ka dhan ah […]

SO
Sawir war oo la xiriira Jaamacadda Carabta oo ka digtay khatarta faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya iyo Geeska
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Jaamacadda Dalalka Carabta ayaa ka digtay khatarta faragelinta milatari ee Israa’iil ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Maxaa la shaaciyey

  1. Axmed Abuu Al-Ghayt ayaa sheegay in faragelin kasta oo milatari oo ka dhan ah Soomaaliya ay halis ku tahay amniga gobolka.
  2. War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in falalka noocan ah ay wiiqi karaan madax-bannaanida dalalka iyo isku dheelitirka amni.
  3. Jaamacadda Dalalka Carabta ayaa xaqiijisay taageerada ay u hayso midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Weerarro iyo faragelin kasta oo milatari oo ka dhan ah dal madax-bannaan Soomaaliya ay halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka.

Axmed Abuu Al-Ghayt
Qaahira, Masar
2026-05-20

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waa inay ka warqabaan khataraha amni ee ka imaan kara faragelinta Israa’iil.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Qaahira, Masar — Jaamacadda Dalalka Carabta ayaa si adag uga digtay khatar ka dhalan karta faragelin milatari oo ay sameyso Isra’iil oo ku wajahan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Axmed Abuu Al-Ghayt ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in weerarro iyo faragelin kasta oo milatari oo ka dhan ah dal madax-bannaan Soomaaliya ay halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay carqaladeyn karaan nabadda Geeska Afrika iyo guud ahaan dunida Carabta.

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in falalka noocan ah ay wiiqi karaan madax-bannaanida dalalka iyo isku dheelitirka amni ee gobolka, isla markaana ay keeni karaan xiisado siyaasadeed iyo fowdo kusii fida gobolka intiisa kale.

Axmed Abuu Al-Ghayt ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, ilaalinta midnimadooda, iyo u hoggaansanaanta shuruucda caalamiga ah.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralcarabtasoomaaliyaafrika
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.