Jubaland oo DF ku eedeysay carqaladeyn lagu sameeyay duulimaad…
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa si adag u cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay ku eedeysay inay hor istaagtay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air, taas oo ka duushay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday Dhoobley. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo lambarkeedu yahay […] Th

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa si adag u cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay ku eedeysay inay hor istaagtay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air, taas oo ka duushay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday Dhoobley.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo lambarkeedu yahay 5Y IFY lagu qasbay inay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto garoonka diyaaradaha ee Wajeer ee dalka Kenya.
Tallaabadan ayuu maamulka Jubaland ku tilmaamay “mid sharci darro ah” iyo fara-gelin lagu sameeyay duulimaad rayid ah.
Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan ay khatar ku tahay badqabka rakaabka, xorriyadda isu socodka shacabka iyo kalsoonida nidaamka duulimaadyada rayidka ah ee dalka, iyadoo ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka inay si dhow ula socdaan arrintan.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.