Kiisaska Ebola ee Uganda oo gaadhay 5 qof Xayiraado cusub oo laga bilaabay xadka DR Congo
Kampala, Uganda — Xaaladda faafitaanka cudurka dilaaga ah ee Ebola ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa gashay weji xasaasi ah, ka dib markii Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Uganda ay si rasmi ah u shaacisay inay xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo cudurka ah. Tallaabadan ayaa wadarta guud ee kiisaska rasmiga ah ee laga helay Uganda […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Kampala, Uganda — Xaaladda faafitaanka cudurka dilaaga ah ee Ebola ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa gashay weji xasaasi ah, ka dib markii Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Uganda ay si rasmi ah u shaacisay inay xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo cudurka ah. Tallaabadan ayaa wadarta guud ee kiisaska rasmiga ah ee laga helay Uganda ka dhigaysa shan qof, tan iyo markii fayraska dalkaasi laga helay 15-kii May.
Saddexda kiis ee ugu dambeeyay ee la xaqiijiyay Sabtidii ayaa muujinaya sida uu cudurku ugu dhex faafayo bulshada iyo shaqaalaha safka hore, waxaana la sheegay inay kala yihiin:
Darawal u dhashay dalka Uganda, Shaqaale caafimaad oo muwaadin u dhashay Uganda ah Iyo haweeney u dhalatay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo dalkaasi u soo gudubtay.
Ka hor intaan kiisaskan cusub la helin, dowladda Uganda waxay Khamiistii qaadday tallaabo adag oo ay ku hakingayso dhammaan gaadiidka dadweynaha ee u socda dalka DRC. Tallaabadan go’doominaynta qaybta ah ayaa timid ka dib markii dalka laga helay labadii kiis ee ugu horreeyay oo isugu jiray hal qof oo caabuqa qaba iyo hal dhimasho ah kuwaas oo ay ku lug lahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Kongo oo si dhuumalaysi ah uga soo gudbay xadka u dhexeeya labada dal.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.