Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu xusayay 15-sano guuradii dib u curashada xiriirka diblomaasiyadeed iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Türkiye. Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, uu Muqdisho ku yimid 19-kii Agoo

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu xusayay 15-sano guuradii dib u curashada xiriirka diblomaasiyadeed iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Türkiye.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, uu Muqdisho ku yimid 19-kii Agoosto 2011, taasi oo bog cusub u furtay xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 15-kii sano ee lasoo dhaafay iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu gaaray heer sare, isaga oo ka koobmaya dhinacyada amniga, horumarinta, waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo taageerada bani’aadannimo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye garab istaagga ay Soomaaliya u muujiyeen, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dano wadaag.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.