Madaxweynaha Kenya oo ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya
Nairobi – Madaxweyne William Ruto ayaa sharraxay sababta uu u xiran yahay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya 15 sano kaddib markii la xiray, inkastoo uu horay uga ballanqaaday in dib loo furo bisha Abriil ee sannadkan. Ruto oo wareysi siinayay Telefishinka France 24 oo uu ka qeyb galayay shir madaxeedka Horyaalada Afrika oo ka dhacay […]

Madaxweyne William Ruto ayaa sharraxay sababta xuduudka Kenya iyo Soomaaliya u xiran yahay 15 sano kaddib markii la xiray.
Maxaa la shaaciyey
- Ruto ayaa sheegay in qorshaha dib u furista xuduudka uu carqaladeeyay xasilooni darada Soomaaliya.
- Iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa sii kordhay.
- Xaaladda xuduudka Mandheera ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay marar badan ka soo warrameen falal ammaan darro.
Macnaha guud
Madaxweyne Ruto ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo saameynta uu ku leeyahay xuduudka Kenya.
““Si wanaagsan ayaan u soconay ilaa uu ka dhacay khilaaf weyn oo u dhexeeya dowladda Muqdisho iyo dowlad goboleedyada.””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan saameynta khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ku leeyahay ammaanka iyo ganacsiga gobolka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Nairobi – Madaxweyne William Ruto ayaa sharraxay sababta uu u xiran yahay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya 15 sano kaddib markii la xiray, inkastoo uu horay uga ballanqaaday in dib loo furo bisha Abriil ee sannadkan.
Ruto oo wareysi siinayay Telefishinka France 24 oo uu ka qeyb galayay shir madaxeedka Horyaalada Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa sheegay in qorshaha dib u furista uu carqaladeeyay xasilooni darada kasoo cusboonaatay gudaha Soomaaliya.
Waxa uu xusay in markii hore horumar laga sameeyay dowladda federaalka Soomaaliya, balse uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya Muqdisho iyo dowlad goboleedyada, taasi oo meesha ka saartay qaabkii loo wada shaqeyn lahaa.
“Si wanaagsan ayaan u soconay ilaa uu ka dhacay khilaaf weyn oo u dhexeeya dowladda Muqdisho iyo dowlad goboleedyada,” ayuu yiri Ruto, isagoo tilmaamaya inay sii kordhayaan iskahorimaadyada ay ku lug leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo kuwa maamul goboleedyada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan