Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Jowhargeneral

Mareykanka iyo Ingiriiska oo dhinacyada Soomaalida ugu hanjabay iney dalka ka guurayaan hadaan galabta heshiis la gaarin

May 14(Jowhar) Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo wargal ah oo ku dhow dhow kulankii Xalane maanta ka dhacay, ka dib markii ay is mari waayeen dhinacyada Madaxweyne Xassan Sheikh & Golaha Mustaqbalka, layskuna qabtay qodobka mudo xileedka la xariira & hanaanka kala guurka, wakiilada caalamiga ah ayaa si lama filaan ah usoo dhexgalay, iyagoo dhexda […]

SO
Mareykanka iyo Ingiriiska oo dhinacyada Soomaalida ugu hanjabay iney dalka ka guurayaan hadaan galabta heshiis la gaarin
Sawir / xog muuqaal ah · Jowhar

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa hanjabay iney Soomaaliya ka guurayaan haddii heshiis la gaarin ka hor 15ka May.

Maxaa la shaaciyey

  1. Dhinacyada Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Golaha Mustaqbalka ayaa is mari waayay, taasoo keentay in wakiilada caalamiga ah soo dhexgalaan.
  2. Wakiilada caalamiga ah ayaa sheegay in haddii aan heshiis la gaarin, Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo cabsi leh.
  3. Golaha Mustaqbalka ayaa aqbalay in ay diyaar u yihiin maareynta marxaladda kala guurka ah.

Macnaha guud

Kulanka Xalane ayaa ka dhacay kadib markii ay is mari waayeen dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Haddii la gaaro 15ka May oo berrito ah, lana gaari waayo heshiis maareynta marxalad kala guurka ah.

Madaxweyne Xassan Sheikh
Xalane
2026-05-14

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khatarta ka imaan karta haddii heshiis la gaarin.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Jowhar

May 14(Jowhar) Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo wargal ah oo ku dhow dhow kulankii Xalane maanta ka dhacay, ka dib markii ay is mari waayeen dhinacyada Madaxweyne Xassan Sheikh & Golaha Mustaqbalka, layskuna qabtay qodobka mudo xileedka la xariira & hanaanka kala guurka, wakiilada caalamiga ah ayaa si lama filaan ah usoo dhexgalay, iyagoo dhexda dhigay war culus oo saameyn weyn kulanka kuyeeshay, kaas oo ahaa.

In haddii la gaaro 15ka May oo berrito ah, lana gaari waayo heshiis maareynta marxalad kala guurka ah & hanaan laysku raacsan yahay oo kama dambeys ah ay dalalkooda u sheegi doonaan in ay Soomaaliya gashay marxalad cusub, taas oo cabsi badan leh, waxayna ka dhigan tahay in dalalkan sheegayaan in ay katagayaan Soomaaliya.

Wakiilada caalamiga ah ayaa si cad u sheegay in waajibaad ka saaran yahay hanaanka maalgalinta dowlad dhiska Soomaaliya, ayna waqti badan galiyeen kuna qasban yihiin in ay caasumadahooda u sheegaan marxalada cusub, taas oo ay sheegeen in kahor ay madaxda Soomaalidu waqti haystaan.

Marxaladan ayaa ka dhigan in dowladda mudo xileedkeedii dhamaaday, heshiisna lagu noqdo nooca dalka loo hagayo & ka heshiinta hanaanka doorashooyinka oo aysan cidna gaar u laheyn dookh siyaasadeed.

Isha: Jowhar. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Jowhar
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldhinacyadaingiriiskagaarin
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.